In ka badan 18-ruux ayaa ku dhimatay 30-kalana waa ay ku dhaawacmeen kadib markii weerar qarax ku bilowday lagu qaaday hotelka naasahablood 2 ee magaalada muqdisho.
Weerarka ayaa ku bilowday gaari laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxa oo lagu qarxiyay ilinka hore ee hotelka naasahablood 2 ee magaalada muqdisho, waxaana qaraxa kadib gudaha hoteelka galay rag hubeysan oo ka tirsanaa Xarakada Al–shabaab.
Dableyda hubeysan ayaa waxaa u suurta gashay in ay la wareegaan guud ahaan hoteelka naas-hablood, waxaa muddo kadib goobta soo gaaray ciidamada gaashaan ee dowladda soomaliya kuwaasi oo ragga hubeysan oo tiro ahaan gaarayay 3-ruux kala wareegay qeybaha hoose ee hoteelka waxaana ragga hubeysan ay mar kale la wareegeen qeybaha sare ee hoteelka.
Ciidamada amaanka dowladda Federaalka soomaliya ayaa soo badbaadiyay wasiirka tamarta iyo biyaha xukuumadda soomaaliya saalim caliyow ibrow,sidoo kale ciidamada ayaa soo bad baadiyay wadaadka caanka ah sheekh cali wajiis oo ka mid ah guddiga taakuleynta ciidamada xoogga dalka Soomaliyeed.
illaa tobaneeyo kale oo hotelka ku go’doonsanaa ayay ciidamada gaashaan ee dowladda Federaalka Soomaliya kasoo badbaadiyeen gudaha hoteelka, oo ay daganaayeen xubno ka tirsan dowladdda Soomaliya, iyo marti sharaf kale.
Xubnaha weerarka ku dhintay waxaa kamid ahaa Ex xildhiban wasiir Abdinasir Garane, Wasiir madoobe Nuunoow Maxamed wasiirkii arrimaha gudaha ee maamulka koonfur galbeed soomaliya, taliyihii degmada deyniile ee gobolka banaadir taliye fanax, siyaasi zakariye maxamud ciise.
Ragga hubeysan ee gudaha hoteelka ka dhex dagaalamayay ilaa saqdii dhexe ee Xalay waxaa ay adeegsanayeen bambaanooyinka gacanta laga tuuro waxayna ciidamada Dowladda ku jawaabanayeen hub culus.
Sida ay inoo sheegeen saraakiisha amaanka Dowladda Soomaliya waxaa la toogtay seddexdii ruux ee gudaha hoteelka ka dhex dagaalamaysay.
Al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyada weerarka lagu qaaday Hotelka Naasahablood 2 oo ku yaalla degmada Xamar weyne ee Gobolka banaadir.

