Inta la xaqiijiyay 10-ruux ayaa ku geeriyootay qarax xooggan oo galabta lagu weeraray Hotelka Naasahablood 2 Degmada Xamar weyne ee Gobolka Banaadir.
Qaraxaan ayaa la xaqiijiyay in ay ku dhinteen, Xildhibaan hore C/naasir Gaarane iyo Taliyihii Booliska degmada Dayniile ee Gobolka banaadir Maxamed Yuusuf Fanax oo horay u soo noqday Taliyaha Booliska degmada Yaaqshiid.
Wararkii ugu dambeeyay ee caawa nasoo gaaraya ayaa ku waramaya in dagaalyahano ka tirsan Xarakada Al-shabaab oo gaaraya 3-ruux in ay ka dhex dagaalamayaan gudaha Hoteelka Naasa-hablood.
Qaraxyo bam-baanooyin u badan ayaa laga maqlayaa gudaha Hoteelka Naasa-hablood ee Magaaladda Muqdisho oo ay isticmaalayaan ragga hubeysan.
Ciidamada Gaashaan oo ka tirsan Dowladda Soomaliya oo gaaray goobta ayaa la wareegay qeybaha hoose ee hoteelka Naasa-hablood, waxaana qeybta sare haysta ragga hubeysan.
Dagaalyahanada Xarakada Al-shabaab ayaa barahooda Internet-ka ku sheegtay inay ka dambeeyeen qaraxa, isla markaana ay weerareen Hotelka Naasahablood 2.









