Madaxda DFS iyo Kuwa Dowlad Goboleedyada oo Kulamo Horudhac ah Uga Socoda Muqdisho

0

Iyadoo maanta magaalada Muqdisho ay ku sugan yihiin madaxda Dowlada Goboleedyada Dalka ayaa waxaa bilowday kulamo wadatashi oo horudhac ah oo u dhexeeya madaxda Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa Dowlada Goboleedyada

Ajandayaasha looga hadlayo kulamadan horudhaca ah ayaa la xiriira in la mideeyo straatiijiyada ku aadan duulaanka ka dhanka ah Al-Shabaab, taasi oo ay isku afgarteen madaxda Dowladda Federaalak Soomaaliya iyo kuwa Dowlada Goboleedyada.

Warar soo baxaya ayaa sheegaya  in la isku raacay ajandaha ugu muhiimsan ee ah dhanka amniga iyo sidii loogu midoobi lahaa gulafka Alshabaab ka dhanka ah.

Sidoo kale shirkii loo balansanaa in maanta ay yeeshaan madaxda Dowladda Soomaaliya iyo maamul Goboleedyada ayaan  baaqannin, balse ay soconayaan kulamo horudhac ah sidii cadada ahaydba,taasi oo lagu sii xoojinayo ajandayaasha ugu muhiimsan ee lagu gorfeyn doono shirkaasi marka uu toos u furmo.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa dhawaan madaxda Dowlad Goboleedyada Dalka ku casuumay shir wadatashi ah,kaasi oo haatan ay bilowdeen kulamo horudhac u ah adandayaasha looga hadlidoono shirkaasi.

Madaxada Dowladda Federaalak Soomaaliya ayaa sheegay in dalka uu dagaal ka dhan ah Shabaab uu gali doono,maalimo kadib markii ku dhawaad 600 boqol oo qof oo aan waxba galab ay xasuuqeen Shabaab,taasi oo si isku mid ah u saameysay dareenka bulshada Soomaaliyeed iyo guud ahaan madaxda Dal

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here