Madaxweynaha Maamulka Galmudug oo Muqdisho Lagu Soo Dhaweeyay+Sawirro

0

Wafdi uu hogaaminaayo Madaxweynaha maamulka Galmudug Axmed Ducaale Geelle (Xaaf) ayaa goordhaweyd  lagu soo dhaweeyay Magaaladda Muqdisho ee caasimadda Soomaliya.

Wafdigaan waxaa garoonka diyaaradaha Muqdisho ee aadan cadde kusoo dhaweeyay wasiirka Arrimaha Gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaliya cabdi faarax (Juxa),xildhibaano, siyaasiyiin, iyo saraakiil ciidan.

Madaxweynaha Galmudug ayaa ka qeyb geli doono shirka uu Madaxweynaha Soomaliya Farmaajo ku dhawaaqay inay Muqdisho ku yeelan doonaan Madaxda Maamul Goboleedyada iyo dowladda dhexe oo la filayo inuu maanta gelinka dambe bilowdo.

Madaxweynaha Galmudug ayaa qeybta VIP-da kulan gaar ah kula qaatay wasiirka Arrimaha Gudaha Xukuumadda Soomaliya cabdi faarax (Juxa), iyo xildhibaanada labada aqal ee kasoo jeeda deeganada Maamulka Galmudug.

Magaaladda muqdisho waxaa shalay soo gaaray Madaxweynaha Maamulka koonfur Galbeed Soomaliya Shariif Xasan Shiikh aadan, kaasi oo xalay ilaa shalay kulamo la qaatay mas’uuliyiin ka Tirsan Dowladda Soomaliya.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here