Xildhibaan Mahad Salaad oo kamid ah Baarlamaanka Federaalka Soomaliya ayaa sheegay in qaraxii 14-kii bishaan ka dhacay isgoyska Zoobe ee Magaaladda muqdisho Natiijadda Dowladda Soomaliya ay ku sheegtay in dhimashada ay tahay 350-qof ay tahay mid xaqiiqada ka fog islmakarnaana khasaaraha uu halkaas ka badan yahay.
Waxa uu sheegay Xildhibaan Mahad Salaad in khasaaraha uu gaarsiisan yahay 600 oo dhimasho ah islamarkaana Xukuumadda Federaalka Soomaliya loogu baahan in ay soo saarto khasaaraha rasmiga ah.
“Xasuuqii zoope sina kuma hilmaameyno Xasuuqii Zoope xogta aan ka heyno waxay sheegaysaa dhimashadu inay ka badantahay 600 qof. Xukuumada Federaalka waxaan ka codsanaynaa inay shacabka Soomaaliyeed iyo eheladii dadkooda la xasuuqay la wadaagto baaristii la sameeyay wixii kasoo baxay iyo tirada rasmiga ah ee dhimashada inta ay taha,dhawaan ayaan idinla wadaagi doonaa tirada dhimashada, dhaawaca, kuwa lala’yahay iyo kuwa iyaga oo aan la aqoonsan la duugay”, ayuu yiri Xildhibaan Mahad Salaad.
Dowladda Federaalka Soomaliya oo dhawaan ka hadashay qaraxii ka dhacay Isgoyska Zoobe ee Magaaladda Muqdisho ayaa sheegtay in qaraxaas ay ku dhinteen 350-qof.

