War DEG DEG:-Dil Goordhaweyd Ka Dhacay Magaaladda Muqdisho

0

Askari ka tirsan Ciidamada Malatariga dowladda Federaalka Soomaliya ayaa goordhaweyd qof shacab ahaa waxa uu ku dilay Xaafada Kaaba Godey ee degmada Dharkinley.

Askariga ayaa la sheegay in ruuxa rayidka ahaa uu si bareer ah xabado ugu dhuftay islamarkaana uu goobta ku dhintay.

Ninka la dilay ayaa lagu magacaabi jirey Cabdulle oo loo yaqaano jinni.

Askariga dilka geystay ayaa ka baxsaday goobta,waxaana goobta gaaray ciidamada amaanka degmada dharkinley ee Gobolka Banaadir oo ilaa haatan baadi goobayo askarigii ka dambeeyay dilka ruuxa rayidka ahaa.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here