Inta la xaqiijiyay 1-qof ayaa ku dhintay oo ahaa qofkii isqarxiyay 4-kalana waa ay ku dhaawacmeen kadib markii duhurnimadii maanta qarax ismiidaamin ahaa uu ka dhacay bartamaha Magaaladda Boosaaso ee Xarunta Gobolka Bari.
Qaraxaan waxaa fuliyay nin waday gaari gacan waxa uuna ka dhacay meel ku dhow saldhiga Magaaladda Boosaaso.
Ninka qarxay ayaa la sheegay in uu isku dayay inuu Gaari-gacanka la galo saldhigga bartamaha ee Bosaaso,waxaana la sheegay markii la joojiyay uu is qarxiyey.
ilaa haatan ma jirto cid sheegatay mas’uuliyadda qaraxa ka dhacay Magaaladda Boosaaso.

