Xildhibaanada Aqalka sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa soo gaba-gabeeyay dood ku saabsan khilaafka u dhaxeeya dowladda Federaalka iyo dowlad goboleedyada.
Kulan ay maanta ku yeesheen xarunta aqalka Sare Waxaa shir gudoominayay Guddoomiye kuxigeenka 1-aad ee Aqalka sare Senator Abshir Bukhaari.
Senotor Maxamuud Axmed Mashruuc ayaa sheegay in aan la joohin xilligii laga hadli lahaa yaa qaldan iyo yaa saxan, isagoo xusay in loo baahan yahay in xal laga gaaro khilaafka u dhaxeeya Dowladda Soomaliya iyo Maamul Goboleedyadda.
Dhanka kale Zamzam Daahir Maxamuud oo iyana ka hadashay kulankii maanta ayaa sheegtay in Dastuurka waxyaabaha ku qoran aanay is waafaqsanaayeen, isla markaana qodobo qaar iska hor imaanayaan.
Senator Yuusuf Geelle Ugaas ayaa soo dhoweeyay tanaasulaada uu sameeyay Madaxweyne Farmaajo, isla markaana 28-ka bishan ku casuumay Madaxweynayaasha dowlad goboleedyada inay Muqdisho shir isugu yimaadaan.
Guddoomiye kuxigeenka Aqalka sare Abshir Bukhaari ayaa sheegay in doodii labada maalmood socotay ay aheyd mid aad u qiimo badneyd, isagoo tilmaamay in khilaafka dowladda dhexe iyo dowlad goboleedyada xalinteeda ay guddi u xilsaarayaan, si ay qoraal ula tagaan kulanka 28-ka bishan la filayo in uu dhex-maro madaxweynaha Soomaaliya iyo madaxda maamul goboleedyada.

