Magaaladda Jowhar ee Caasimadda Maamulka Hir-shabeelle waxaa lagu soo Gaba-gabeeyay Munaasabad lagu caleemasaarayay Madaxweynaha dowlada goboleedka Hirshabelle Maxamed Cabdi WaareXaflada caleemasaarka ayaa waxaa ka qeybgalay ra’iisal wasaare Xasan Cali Kheyre,Madaxweynayaasha dowlad goboleedyada dalka,guddoomiyaha Aqalka Sare,Wasiiro,xildhibaano,wakiilka QM,wakiil ka socday Midowga Afrika iyo Marti sharaf kale duwan.
Munaasabadan ayaa waxaa mas’uuliyiintii ka qeybgashay ay ugu hambalyeeyeen uguna soo duceeyeen Madaxweynaha dowlad goboleedka Hirshabelle Maxamed Cabdi Waare,waxayna dhamaan mas’uuliyiintii ka qudbadaha ka jeediyay ay ka hadleen qaraxii 14kii bishan ka dhacay magaalada Muqdisho.
Mas’uuliyiintii ka qeybgashay munaasabadan ayaa waxaa ay ugu baaqeen Madaxweynaha cusub ee Hirshabelle inuu si cadaalad ah ugu shaqeeyo shacabkiisa kuna dadaalo sidii dhinaca Beeraha horumar uga gaari lahaa.










