Madaxweyne Farmaajo oo Kulan Xasaasi Ah La Qaatay Madaxda Dalka Itoobiya+Sawirro

0

Madaxweynaha dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa Maanta ka degay magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya, waxaana garoonka diyaaradaha Bole ku soo dhoweeyay Wasiirka Arrimaha dibadda Itoobiya Dr. Workneh Gebeyeho, Safiiro iyo saraakiil ka tirsan dowladda Itoobiya.

Wafdiga Madaxweynaha ayaa kulan kooban kula qaatay qeybta VIB-da ee Garoonka Bole Wasiirka Arrimaha Dibadda Itoobiya, iyagoo la hadlay saxaafada.

Madaxweyne Farmaajo oo la hadlayay warbaahinta ayaa sheegay in safarkiisa labaad ee Itoobiya ku yimid ay qeyb tahay sidii uu ula kulmi lahaa Madaxda Itoobiya, isla markaana ay muhiim in loo midoobo Al-shabaab, kaddib qaraxii Qasaaraha badnaa ee ka dhaca Muqdisho.

Madaxweyne Farmaajo ayaa sidoo kale kulmay Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya, iyagoo ka  hadlay xiriirka labada dal, iskaashiga iyo dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here