Imaaraadka Carabta oo Deeq Gargaar ah Soo Gaarsiiyay Muqdisho+Sawirro

0

Diyaarad Militari oo ay Leedahay Dowladda Imaaraadka carabta ayaa maanta Deeq Daawo ah Soo gaarsiisay Magaalada Muqdisho taasi loogu Talo-galay in lagu-la Tacaalo Dadkii ku Dhaawacmay Weerarkii 14-October ka dhacay Magaalada Muqdisho ee Dadka Badan ay ku Dhinteen.

Saraakiil ka socota Dowladda Imaaraadka ayaa Daawooyinkaan waxaa ay ku Wareejiyeen Mas’uuliyiin ka tirsan Xukumada Soomaaliya oo uu ka mid yahay Wasiirka Caafimaadka Dowladda Federaalka Soomaaliya oo ku soo Dhaweeyey Garoonka Diyaaradaha Muqdisho.

Dowladda Dowladda Imaaraadka carabta ayaa ka mid Noqotay Wadamada Soomaaliya u soo Gurmaday ka dib Weerarkii ay ku Dhinteen Boqolaalka Ruux ee ka Dhacay Muqdisho 14-Bishaan.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here