Dowladda Mareykanka ayaa lagu wadaa in ay ka qeyb qaadato dagaalka cusub ee Madaxweynaha Soomaliya Maxamed C/laahi Maxamed Farmaajo oo ku dhawaaqayo kadib qaraxii 14-kii bishaan ka dhacay Isgoyska Zoobe ee Magaaladda muqdisho.
Wakaaladda Wararka AP ayaa daabacday in uu la hadlay sarkaal ka Tirsan Malatariga Dowladda Soomaliya kaasi oo sheegay in Maraykanka door muhiim ah ka qaadan doono Hawlgalka cusub ee ka dhanka ah Xarakada Alshabaab.
Sidoo kale taliska Ciiddanka Maraykanka ka joogo qaaradda Afrika ee AFRICOM oo ay Wakaalladda AP wax ka weydiisay arrintaasi, wey ka gaabsadeen inay ka jawaaban warka ku aadan in Mareykanka uu ka qeyb qaadanayo dagaalka cusub ee Al-shabaab.
Diyaaradaha Dowladda Mareykanka ayaa todobaadkii aynu soo dhaafnay duqeyn ka fuliyay deegaan ka Tirsan Gobolka Shabeelaha hoose ee Koonfurta dalka Soomaliya oo ay ku sugan yihiin dagaalyahanada Xarakada Al-shabaab,waxaana la sheegay in duqeyntaas lagu dilay saraakiil Shabaab ah.

