Ciidanka amaanka Puntland ayaa fashiliyey Qarax weyn oo la dhigay isgoyska Gaaca ee magaalada Bosaso ee xarunta gobolka Bari.
Qaraxaan uu tankiisa weynaa ayaa waxaa Gacanta ku dhigay Ciidanka amaanka sidaas waxaa xaqiijiyey Taliyaha qaybta Booliska Gobalka Bari oo warbaahinta la hadlay.
Taliyuhu waxaa uu sheegay markay howlgalka dhameeyaan inay soo bandhigi doonaan macluumaadka ku aadan qaraxan la dhigay isgoyska Gaaca ee magaalada Bosaso ee xarunta gobolka Bari.
Taliyaha ayaa sheegay in qaraxaan ay soo maleegeen Kooxaha Argagaxisada ee deegaanada buntland ka howlgala ayna doonayeen iney wax yeelo ku garsiiyaan Shacabka iyo ciidamada Maamulkaaas.

