Al-shabaab waxaa Muqdisho ku Dilnay Muxamed Qooreey

0

Rag hubeysan waxey qeybo ka mid ah degmada Wardhiigley gaar ahaan agagaarka isbitaalka Al-xayaat ku dileen sarkaal la sheegay inuu katirsanaa Dowada Soomaaliya, laguna magacaabi jiray (Qooreey)

Al-shabaab ayaa sheegtay mas.uuliyada dilkaas waxa ayna sheegen iney degmada Wardhiigley ku dileen Sarkaal lagu magacaabi jiray Muxamed Cabdulle Qooreey sidoo kale waxay intaasi raaciyeen sarkaalkan inuu ahaa Tababare ka tirsan Sarakiisha Ciidamada Dowlada Soomaaliya, gaar ahaan saraakiisha tababarta Ciidamada Dowlada ee ay Dowlada Imaaraadka Carabta Maalgaliso.

Wali wax war ah kama soo bixin Saraakiisha Ciidamada Dowlada Soomaaliya ee degmada Wardhiigley, oo ku aadan dilkaan Al-shabaab ay sheegatay iney u geysatay Muxamed Cabdulle Qooreey.

Al-shabaab ayaa inta badan sheegata Weerara iyo dilalka lala bartilmaa-meedsado Saraakiisha iyo Ciidamada dowlada Soomaaliya ee ka dhaca Gobalada Dalka.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here