Midowga Yurub ayaa Boqol kun Lacagta Yuurowga ah ugu Deeqay Dowladda Soomaaliya si ay Wax ugu Qabato Dadkii ku Dhaawacmay Weerarkii 14-October ka dhacay Isgooska Zoobe ee Magaalada Muqdisho.
Safiirka Midowga Yurub ee Soomaaliya Veronique Lorenzo ayaa ku Dhawaaqday in Midowga Yurub uu kaalin muuqata ka Qaadanayo Gurmadka Dadkii ku Waxyeeloobay Weerarkii Isgooska Zoobe waxa ayna Sheegtay in Midnimada Umada Soomaaliyeed ay tahay mid looga Hortagi karo Weerar kale oo Al-shabaab ay ka Fuliyaan Muqdisho.
Safiirka Midowga Yurub ee Soomaaliya ayaa Sheegtay in Midowgu Xoojinayo Taageerada Soomaaliya ee Dhinacyada Amniga,Dhaqaalaha,Siyaasada iyo Arimaha Bini’aadanimada si looga gudbo Xaalada adage e Soomaaliya ay hada ku jirto.
Dhageyso…

