Dhageyso:-Maamulka Gobalka Banaadir Oo Magac Cusub U-Bixiyey Isgooska Zoobe.

0

Gudoomiyaha Gobalka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Taabit Cabdi Maxamed oo Maanta kormeeray Isgooska Zoobe oo Dhawaan uu Ka Dhacay Qaraxii Dhimashada Badnaa, ayaa Sheegay inay Maamulka Gobalka Banaadir iyo Dowladda Hoose ee Xamar ay Go’aamiyeen in laga Bilaabo maanta oo ay Taariikhdu tahay 19-Bisha Oktoobar in Isgooska Zoobe in loogu Magac daray 14-October oo ah Maalintii uu Dhacay Weerarkii ay ku Dhinteen ku Dhawaad 300-oo Ruux.

Gudoomiyaha ayaa Sheegay in 14-October ay tahay Maalin Madow oo uu dhacay Weerar Masiibo Qaran ah oo ay ku ku Naf-waayeen Muwaadiin Badan oo Shacab ahaa Xili Mashquul badan uu ka jiray Ex-Zoobe oo hada loo Bixiyey 14-October.

Cod 1 Gudoomiyaha Gobalka Banaadir

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here