Farmaajo:-“Farahooda ayay Ka Muuqataa Al-shabaab in ay Ka Dambeeyeen Qaraxii Zoobe”,

0

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo oo wareysi siiyay Telefishinka Al Jazeera qeybtiisa Afka English-ka ayaa ku eedeeyay Al-Shabaab inay ka dambeeyaan weerarkii ugu dhimashada badnaa ee soo mara taariikha Soomaaliya, ee 14-kii bishan ka dhacay magaalada Muqdisho.

Madaxweyne Farmaajo ayaa sheegay in Al-Shabaab farahooda ka muuqdo weerarkii Sabtidii, islamarkaana uu yahay wax ay sameyn jireen.

“Tani Farahooda ayaa ka muuqda, waana wax ay sameyn jireen”ayuu yiri Madaxweyne Farmaajo oo ka codsaday beesha Caalamka in gacan lagu siiyo dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab.

Sidoo kale Madaxweynaha Soomaliya Maxamed C/laahi Maxamed (Farmajo) ayaa sheegay in hadii Al-Shabaab ku guuleysato dagaalka ay u fududdahay inay fikirkooda xun ay gaarsiin karaa dhalinyarada Yurub iyo Ameerika.

“Hadii ay halkan ku guuleystaan, waxay fursad u helayaan inay fikirkooda xun iyo fikirkooda siyaasadeed ay gaarsiiyaan dhalinyarada Yurub iyo Mareykanka”ayuu yiri Madaxweyne Farmaajo.

Madaxweyne Farmaajo ayaa sabtidii ku dhawaaqay saddex maalmood oo baroor diiq qaran ah, iyadoo calanka hoos loo dhigay.

Saraakiil dhanka amaanka ah ayaa sheegay in qaraxii Isgoyska Zoobe ay ka dambeeyeen Al-shabaab, inkastoo aysan iyaga sheeganin.

Dhanka kale Hey’addaha ammaanka Dowladda Federaalka Soomaliya  ayaa caawa lagu wadaa inay soo bandhigaan macluumaad ku saabsan weerarkii khasaaraha dhaliyay ee Sabtidii la soo dhaafay ka dhacay Isgoyska Zoobe ee Magaalada Muqdisho.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here