Magaaladda Muqdisho ee Caasimadda Soomaliya waxaa maanta ka dhacaya Banaan-bax loogu duceynayo dadkii Masakiinta ahaa ee ku dhamaaday Qaraxii ka dhacay Isgoyska Zoobe ee Magaaladda muqdisho.
Kumanaan Shacabka muqdisho ah ayaa lagu wadaa in maanta barqadii ay isugu soo baxaan wadooyinka Magaalada Muqdisho iyo Garoonka Kubadda Cagta ee Koonis, kuwaasi oo soo bandhigaya dareenkooda ku aadan weerarkii 14-kii bishaan ka dhacay isgoyska Zoobe ee Magaaladda Muqdisho.
Banaan-baxaan waxaa iclamiyay todobaadkaan Guddoomiyaha Gobalka Banaadir Taabid Cabdi Maxamed.
Iskuulada, Jaamacadaha iyo Goobaha kale ee waxbarashada iyo Xarumaha Ganacsiga ayaa la fasaxay maanta oo arbaco sababo la xiriira banana-baxa ka dhacay Magaaladda Muqdisho.
Amaanka Magaaladda Muqdisho ayaa si weyn loo adkeeyay .

