Taliyaha Cusub ee Ciidamada Xoogga Dalka Soomaliyeed Oo Xilka La Wareegaya

0

Xarunta Wasaaradda Gaashaandhiga ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya waxaa hada ka socota Munaasabad Kooban oo uu Xilka kula wareegayo Taliyaha Cusub ee Ciidamada Xoogga dalka Soomaliyeed  C/Weli Jaamac Warsame.

Munaasabadda waxaa ku sugan Taliyihii Ciidanka Xoogga ee Iscasilay Maxamed Axmed Jimcaalle Cirfiid oo xilka wareejinaya Wasiiro, Xildhibaano ka Tirsan baarlamanka Soomaliya Iyo Saraakiil Ciidan, kuwaasi oo goob joog u noqon doona xil wareejinta.

Khamiistii aynu soo dhaafnay ayay aheyd markii Taliyihii Ciidanka Xoogga dalka Soomaliyeed Maxamed Axmed Jimcaalle Cirfiid uu shaaciyay in uu xilkii iska casilay, isagoo aan sheegin sababaha ku kalifay iscasilaadiisa.

Taliyaha Cusub ee Ciidamada Xoogga dalka Soomaliya Jeneral Cabdiweli Jaamac Gorod waxa uu ku dhashay magaaladda Muqdisho sanadkii 1950-kii. Iskuulka hoose dhexe waxa uu ka dhigtay dugsiga Macalin Jaamac, Dugsiga sarena waxa uu ka gallay iskuulka farsamada gacanta ee magaalada Muqdisho.

General Gorod waxa uu ciidanka qortay 1966-dii. Dalka Ruushka ayaa tababar loogu diray 1975-tii waxuuna waxbarashada luuqada ruushka ka bilaabay magaalada Furanza ee dalkii la oran jiray Midowga Sofyeeti. 1977-dii waxauu duulimaadka diyaaradaha ka bartay Akademiyada Karasnadaar ee dalka Ruushka .

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here