Dagaal xoogan oo u dhaxeeya Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaliya iyo dagaalyahanada Xarakada Al-shabaab ayaa goordhaweyd ka bilowday deegaan u dhaxeeya degmooyinka Balcad iyo Afgooye.
Dagaalkan ayaa bilowday kadib markii dagaalyahano ka Tirsan Xarakada Al-shabaab ay fariisimo ka sameysteen deegaan ka xiga dhinaca galbeed ee degmada Balcad ee Gobolka Shabeelaha Dhexe,rasaasta la isu adeegsanayo dagaalkan ayaa laga maqlayaa magaalada Balcad iyo deegaanada u dhow dhow.
Ciidamo uu hogaaminayo General Caanood ayaa la sheegay in ay weerareen fariisimaha ay ka sameysteen deegaanka Daniga dagaalyahano ka tirsan Al-shabaab.
Dagaalyahano ka tirsan Al-shabaab ayaa dhowaan weeraray bar kontarool oo ciidamada dowlada ku lahaayeen deegaanka Basra iyadoo lagu diley shan ka tirsan ciidamadii ku sugnaa bartaas koontarool.
Wixii kusoo kordha kala soco simbanews.com

