Wasiirka Caafimaadka Turky-ga oo Magaaladda Muqdisho Soo Gaaray

0

Magaaladda Muqdisho waxaa goordhaweyd soo gaaray wafdi uu hoggaaminayo wasiirka Caafimaadka  Dowladda Turkiga oo ay kamid yihiin dhakhaatiir.

Wafdigaan waxaa garoonka diyaaradaha magaaladda muqdisho ee aadan Cadde kusoo dhaweeyay Raisulwasaaraha Xukuumadda Soomaliya Xasan Cali kheyre iyo mas’uuliyiin ka Tirsan Dowladda Soomaliya.

Wasiirka caafimaadka Turkiga oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in madaxweynaha Turkiga uu ka sido salaan iyo tacsi islamarkaana guud ahaan dadka Turkiga ah ay la xanuunsanayaan walaalahooda Soomaaliyeed.

Dowladda Turkiga ayaa noqotay dalkii ugu horeeyay ee ka soo jawaaba codsiga dowladda Soomaaliya u jeedisay oo ahaa in gurmad lala soo gaaro dadka dhaawacyada ka soo gaareen qraxii ka dhacay isgoyska mashquulka badan ee Zoobe ee Magaalada muqdisho.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here