Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa si kulul ugu hadlay qaraxii xooganaa ee todobaadkaan gudiisa ka dhacay isgoyska Zoobe ee Magaalada Muqdisho,
Xasan Shiikh ayaa ugu horeyntii tacsi u direy qoysaskii dadkii ku dhintay qaraxaas isagoo caafimaad u rajeeyay dadkii ku dhaawacmay qaraxa ee shacabka ah.
Sidoo kale Madaxweynihii Hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dagaalyahanada Xarakada Al-shabaab ku tilmaamay cadow uguna baaqay shacabka inay hal meel uga soo wada jeestaan.
“Dadka Soomaliyeed dhamaan meel walba ay joogaan waxaan ugu tacsiyeynayaa dhibaatadii ka dhacday isgoyska Zoobe ee Magaaladda Muqdisho ay geysteen kuwa cadowga ah, waxaan leeyahay ilaahey ha u Naxariisto dadkii ku dhintay qaraxas,kuwii ku dhaawacmayna waa leeyahay ilaahey boogtooda ha u dhayo, waxaa loo baahan yahay in meel loogu soo wada jeesto cadowga umadda Soomaliya ee Al-shabaab,”, ayuu yiri Xasan Sheekh Maxamuud.
Inta ay la xaqiijiyay 276-qof ayaa ku dhintay 300-kalana waa ay ku dhaawacmeen qarax gaari Tm loo adeegsaday oo ka dhacay 14-kii bishaan isgoyska Zoobe ee Magaaladda Muqdisho.

