António Guterres:-“Dalalka Deeq Bixiyayaasha Way Kasoo Jawaabeen Codsigeena”,

0

Xoghayaha Guud ee Qaramada midoobay António Guterres ayaa waxa uu sheegay in dalalka deeq bixiyayaasha ay kajawaabeen baaqiisii ku aadanaa in deeq la gaarsiiyo dalalka Somaliya, Yeman koofurta Suudaan iyo waqooyiga Nageria oo uu soo saaray warbixin bishii February isagoo xiligaa tilmaamay in 20 Million oo qof ay heesato xaalad macluul oo aad u daran.

Waxaana uu tilmaamay in baahida loo qabo gargaar bini’aadanimo in ay kor u kaceyso oo maalaayiin dad ah xaalado adag ay ku jiraan.

António Guterres ayaa bishii February codsaday lacag dhan 4.4 Billion oo dollar si xaaladaha taagan wax loogu qabto,waxaana uu sheegay in 70% ay kajawaabeen dowladaha deeq bixiyaasha iyagoo sidoo kale bixiyay cunno, daryeel caafimaad iyo taageero bil walba lagaarsiiyay 13 million oo qofood.

Sagaalkii bilood ee la soo dhaafay ayaaw waxa uu sheegay in xaaladaha bini’aadanimo ee  ka taagan afarataan wadan ay siyaadeen.

Xoghayaha guud ee qaraamada midoobay ayaa waxa uu sheegay qeybo kamid ah bartamaha iyo koonfurta Soomaaliya in ay gacanta ku hayaan dagaalyahaanada Xarakada Al-shabab oo uu tilmaamay in 6 million oo qof oo ku nool Soomaaliya in ay ku tiirsan yihiin gargaar bini’aadanimo.

Laakiin Xarakada Al-shabaab iyo kooxo kale oo hubeesan ayaa u gaarsada shaqaalaha u howlgala hay’adaha gargaarka iyagoo la wareega deeqda burburiyana cunnada iyo deeqaha kale sida uu sheegay xoghaya guud ee qaramada midoobay xilli uu kahadlayay kulanka golaha guud ee qaramada midoobay.

 

 

 

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here