Wararka ka imaanaya Magaaladda Garoowe ee Casimadda Maamulka Puntland ayaa sheegaya in siyaasiyiin shalay lagu xiray magaaladaas loosoo gudbiyay xabsiga weyn ee magaalada Boosaaso ee gobolka bari.
Shaqsiyaadkaan shalay lagu xiray magaalada Garoowe oo ku eedaysan kicin dadweyne iyo dhaqdhaqaaqyo kadhan ah ammaanka guud ee Puntland ayaa waxaa lasheegay in amarka lagu xiray uu ka soo baxay gudiga ammaanka gobolka Nugaal.
Xubaha la xiray waxaa ka mid ah 1 Dr Cabdiraxmaan Siciid Maxamud (Dhegawayne)oo xilal kala duwan Puntland 2 daahir Ciiro oo horay u noqday Xildhibaan Federaal ah, 3 Duni Maxamed Guulato Iyo Faysal Faarax Cali.

