Guddoomiyaha Gobolka Nugaal ee maamulka Puntland Cumar Cabdullaahi Faraweyne ayaa ka hadlay afar qof oo ciidamada amnigu dhigeen saldhiga dhexe ee Caasimadda Puntland.
Cumar Faraweyne oo la hadlay warbaahinta deegaanada maamulka Puntland ayaa sheegay in Afarta qof ee xabsiga ku jirta yihiin caadaystayaal samaystay urur aanwaafaqsanayn sharciga islamarkaana aan la aqoon halka uu u socda kuwaasoo ku fushanaya arrimo liddi ku ah dastuurka iyo waxyaabihii lagu heshiiyay.
“Waxay sameeyeen waxaan waafaqsanayn dastuurka Puntland oo ay ku sheegeen Madal, Dastuurkana meel ay madal kaga qorantahay ma jirto, cid kasta oo sharciga hareer martana sidaas ayay dambiile ku tahay waana la qabanayaa,” Ayuu yiri Cumar Faraweyne.
Dhanka kale Cumar Faraweyne waxa uu sheegay shaqsiyaadka lagu xirey magaaladda Garoowe in ay yihiin kuwa kasoo horjeeda hormarka maamulka Puntland islamarkaana aan waxba ka garanaynin ujeedada Puntland iyo Soomaaliya u socoto
Isagoo ka hadlayay madasha xubnahaas ay samaysteen iyo inay dowladdu caburin ku hayso shacabka, wuxuu Cumar Faraweyne tilmaamay in shakhsiyaadkaas ay ka tallaabsadeen sharciga Dastuurkuna ogol yahay in dadku furtaan Axsaab siyaasadeed oo ay ka qayb qaataan dhismaha dalka, balse cidii ku dhaqaaqda waxaana lagu heshiin waa qof dambi galay.

