
Wararka ka imaanaya deegaano hoostaga degmada mahadaay ee Gobalka Shabeelada Hoose , ayaa sheegaya in uu halkaasi ka bilawday Dagaal u dhexeeya dad beeraley ah iyo Ciidamo katirsan Al-shabaab ee deegaanadaasi ka howlgala.
Dagaalka oo ka dhacay degaano hoos taga Mahadaay ayaa ilaa iyo hadda la ogayn khasaaraha ka dhashay, hase yeeshee, qaar ka mid ah Dadka degaannadaasi oo lasoo xiriiray idaacada Simba waxay sheegeen in khasaare nafeed iyo min hantiyeed uu soo kala gaaray labadii dhinac ee halkaasi ku dagaalamay.
Lama oga waxa sababay dagaalka u dhaxeeya maleeshiyada xoola dhaqatada ah iyo dagaal-yahanada Al-shabaab ee ka dhacay Gobalka shabeelada dhaxe.
Dhanka kale Wali wax war ah kama soo bixin Maamulka degmada Mahadaay ee ku aadan dagaalka la sheegay inuu ka dhacay duleedka Degmadaasi. Dhanka Al-shabaab iyana wax war ah kama soo saarin dagaalka la sheegay inuu halkaasi ka dhacay.
