Siyaasiga Daahir Ciiro oo loo Xiray Waraysi uu Siiyey Idaacada Simba

0

Ciidamada Amniga Puntland ayaa maanta Xabsiga Dhigay Tiro Siyaasiyiin ah oo uu ka mid yahay Siyaasiga Daahir C/qaadir Muuse (Daahir Ciiro) qadiiqado yar ka dib Wareysi uu Siiyey Idaacada Simba oo uu ka Hadlay Khilaafka Dowladda Soomaaliya iyo Maamulada iyo Qodobadii ka soo baxay Shirkii Kismaayo.

Ciidamo Toos uga Amar qaata Madaxweynaha Puntland C/wali Maxamed Cali (Gaas) ayaa Salaadii Jimcaha ka dib Xabsiga u Kexeeyey.

Daahir C/qaadir Muuse (Daahir Ciiro) ,Dr C/rixmaan Siciid Maxamud (Dhegawayne) Duni Maxamed Guulato Iyo Faysal Faarax Cali.

Siyaasiga Daahir Ciiro ayaa Sheegay in loo Xiray Xabiga Dhexe ee Magaalada Garoowe ayaa Sheegay in loo Xariray Sababo la Xariirka ka Talo Bixinta Aayaha Dalka.

Maamulka Gobalka Nugaal oo aanu la Xiriirnay ayaa Xaqiijiyey Ciidamada Amniga Puntland ay Fuliyeen Howlgal looga Hortagayey Dad laga soo Abaabuley Magaalada Muqdisho oo logu talogalay inay Qalqalgaliyaan Amniga Puntland.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here