Qorshe Dagaal oo ka dhan ah Al-shabaab oo lagu dhawaaqay

0

Shariif Xasan Sheekh Aadan Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed ayaa sheegay in ay wadaan abaabulo ay doonayaan in ay kula wareegaan qaar kamid ah gobolada Bay iyo Bakool halkaasi oo ay ka taliyaan Xoogaga ka soo horjeeda Maamulka iyo kan dowlada Soomaaliya.

Waxuu sido kale sheegay dhawaan iney qorshaynayaan sida ay ula wareegi lahaayeen guud ahaan gacan ku haynta gobolada Bay iyo Bakool oo ay qaarkood maamulaan Al-shabaab.

Madaxweynha ayaa sido kale sheegay in dagaalkaasi ay ka qeyb-yihiin ciidamo katirsan AMISOM gaar ahaan kuwa Dowlada ithopia ee halkaasi ka howlgala.

Shariif Xasan ayaa waxaa soo hadal qaaday Shirkii lagu soo gabagabeeyay Magaalada kismaayo ee Xarunta gobalka jubada hoose waxaa uuna sheegay Madaxdii Maamul Goboleedyada ee isugu tagtay Kismaayo in ay isla garteen sidii Dagaal mideysan loola geli lahaa Dagaalamayaasha Al-Shabaab.

Maamulka koofur Galbeed ayaa marar badan oo hore ku dhawaaqay dagaal ka dhan ah Al-Shabaab, walina gacan ku heynta deegaano iyo degmooyin katirsan Gobalkasi waxaa maamula Ciidamada Xarakada Al-shabaab.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here