Howlgal Ciidamada Amaaanka Soomaaliya ay sameeyeen degmada kaxda ee gobalka banaadir ayaa lagu soo qabtay waxyaabaha maanka dooriya oo uu ka mid yahay Khamriga fuustooyin xashiishado ah iyo raggii ku holanaa howshaasi.
Guddomiyaha Degmada Kaxda Maxamed Ismaaciil C/laahi oo la hadlayay Warbaahinta ayaa sheegay in Ciidamada ay soo qabteen Lix Fuusto oo waa weyn, Shan nin oo ku howlanaa waxyaabahan sharci darada ah iyo Gaariga lagu qaadi jiray.
Wuxuu kaloo sheegay Gudoomiyuhu in howlgalkan uu socon doono, islamarkaana lagu ciribtiri doono maan dooriyaha la soo geliyo Degmada Kaxda ee Gobalka Banaadir.
Dhawaan ayey ahayd markii Howlgallo laga sameeyay Magaalada Muqdisho markii lagu soo qab qabtay dadka ka ganacsanayay waxyaabaha maanka dooriya kuwaas oo loo gudbiyay Xabsiga dhexe ee Xamar.

