Madaxtooyadda Dowladd Goboleedka Galmudug ayaa laga soo saaray warqad lagu farayo dhamaan wariyayaasha ka howlgala deeganada Maamulkaas in aysan tabin Karin wararka lidiga ku ah amniga Galmudug.
Warqadaan waxaa ku saxiixnaa agaasimaha Madaxtooyadda Dowladd Goboleedka Galmudug Maxamed Cabdi waxaana lagu sheegay in talaabo sharciga waafaqsan laga qaadi doono Wariyayaasha tabiya wararka amniga wax u dhimaya.


