Labo kamid ah shaqaalaha jaamacadda ayaa ku dhintay weerar la rumesan yahay in ay ku qaadeen Xarakada Al shabaab jaamacad dhacda deegaanada xeebaha Kenya gaar ahaan magaalada Kwale sida ciidamada booliiska ay sheegeen.
Weerarka oo ay qaadeen dabley hubesan waxaa ku dhawaacmay dhowr arday iyadoona dadka dhaawacmay ay kamid yihiin labo katirsan ciidamada dowlada Kenya iyo darawalka gaari ay ku socdaalayeen.
Sarkaal katirsan ciidamada booliska oo lahadlay wakaalada wararka ee Reuters ayaa sheegay in bus-ka ka xeynayay arday dhigata jaamacada culuumta farsamada ee Mombasa oo u socdalayay xarun ay ku leeyihiin deegaanka Ukunda in ay la kulmeen rasaas ay fureen kooxo hubeesan oo tiradooda uu ku sheegay 10 qofood.
Waxa uu tilmaamay in labada katirsan shaqaalaha jaamacada ee la dilay in ay yihiin haween ka howlgalayay jaamacada waxaana qaar katirsan ardayda uu sheegay in ay cagahooda ku baxsadeen markii ay ka soo horbaxeen dableyda hubeesan iyadoo qaar kamid ah ardaydana dhiigoodu soconayay sida uu tilmaamay.
Xarakada Al shabaab ayaa had iyo jeer weeraro ka geesta xadka soomaaliya iyo Kenya ay wadaagaan iyadoona sanadii 2015-kii weerar lagu qaday jaamacada Gaarisa lagu dilay in kabadan 184 arday oo kenyati u badnaa.

