Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Maamulka Hir-shabeelle oo dhawaan lagu rasaaseeyay Magaaladda Jowhar ee caasimadda Maamulkaas ayaa sheegay inay maxkamad la tiigsan doonaan askarigii falkaasi geystay.
Xildhibaan Maxamed Yuusuf Colow oo kamid ah Xildhibaanada Baarlamaanka Maamulka Hir-shabeelle islamarkaana gaariga xiligaas saarnaa ayaa idaacadda Simba ee Magaaladda Muqdisho u sheegay in falkaas uu ahaa mid aad loogu xumaado ayna Maxkamadd la tiigsan doonaan askarigii falkaas geystay oo haatan ku xiran Saldhiga Magaalada Jowhar.
“Axsaan in loo sameeyo ma ahan waa gacan ku dhiigle, haatan Saldhiga Magaalada Jowhar ayuu ku xiran yahay, Maxkamadd ayaan la tiigsan doonaa, ma ahan mid la cafin karo wuxuu dambi ka galay dalka iyo dadka wuxuu doonayay in uu dilo xildhibaano ka Tirsan Baarlamaanka Maamulka Hir-shabeelle”, ayuu yiri Xildhibaan Maxamed-Yuusuf-Colow.
Dhawaan Askari ka Tirsan Ciidamada maamulka Hir-shabeelle ayaa rasaaseeyay Gaari ay la socdeen labo xildhibaan oo ka tirsan Baarlamaanka Maamulkaas, waxaana weerarkaas ku dhaawacmay 1-xildhibaan.

