Xaaf:-“Dowladda ayaa Isoo Adeegsatay Ciidamo Si ay ii Qabtaan”,+Dhageyso

0

Madaxweynaha Maamulka Galmudug Axmed Ducaale Geelle (Xaaf) oo ka qeyb galaya shirka ka socda Magaaladda Kismaayo ayaa ku eedeeyay Dowladda Federaalka ah ee Soomaliya in ay usoo adeegsatay Ciidamada Nabad Sugida iyo kuwa Xoogga dalka Soomaliyeed si ay gacanta isaga ugu dhigaan.

“Dowladda Federaalka Soomaliya waxay isoo adeegsatay Malatariga iyo Nabad Sugida si ay ii qabtaan, waa nasiib daro in talaabadaas ay madaxda Dowladda Soomaliya ay qaadaan, madaama waxyaalo ay ka dhaceyn halkaan ku suganahay waxaa loo baahnaa iyo wixii jira oo cabasho ah in la xaliyo, oo la adeegsado odayaasha”, ayuu yiri Madaxweynaha Maamulka Galmudug Axmed Ducaale geelle (Xaaf).

Sidoo Kale Madaxweynaha Maamulka Galmudug Mudane Axmed Ducaale geelle (Xaaf) ayaa ugu baaqay Dowladda Federaalka Soomaliya in ay ka shaqeyso hormarka Maamulka Galmudug intii la dumin lahaa.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here