War Deg Deg:-Mas’uul Ka Tirsan Dowladda oo Goordhaweyd Lagu Weeraray Muqdisho

0

Wararka naga soo gaaraya inta u dhaxeysa Degmooyinka Wadajir iyo Dharkinley ee Gobolka Banaadir ayaa ku waramaya in rag hubeysan ay goordhaweyd dhaawaceen  Mas’uul ka Tirsan Dowladda Soomaliya.

C/laahi Shiikh Cumar oo ah Agaasimaha waaxda shaqaalaha Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada Xukuumadda Soomaliya ayaa la weeraray xili uu gaarigiiisa shidaal ku shubanayay.

Mid kamid ah Wariyayaasheena ayaa soo sheeegaya in dhaawac uu soo gaaray mas’uulka ka Tirsan wasaaradda gaadiidka iyo duulista Hawada Xukuumadda  Federaalka Soomaliya, islamarkaana dhaawiciisa loo qaaday isbitaaladda Magaaladda Muqdisho.

Ilaa haatan si dhab ah looma oga ragii ka dambeeyay falkaan.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here