Faah-faahin:-Weerar Xalay Ka Dhacay Magaaladda Boosaaso

0

Inta la xaqiijiyay 3-askari ayaa ku dhimatay 10-kalana waa ay ku dhaawacmeen kadib markii kooxo hubeysan ay xalay weerar ku qaadeen Kontorool ay ku sugnaayeen Ciidamo ka tirsan kuwa Maamulka Puntland  oo u dhow Magaaladda Boosaaso ee Gobolka bari.

Ragga hubeysan ayaa la sheegay in ay wateen qoryaha fudfudud  iyo bam-baanooyin islamarkaana ay weerar gaadmo ahaa ay ku qaadeen Ciidamada maamulka Puntland ee ku sugnaa goobta.

Weerarka kadib Ciidamada amaanka Maamulka Puntland ayaa howlgal ka sameeyay goobta uu weerarka ka dhacay waxaana la ogeyn shaqsiyaadka ay u qabteen.

Mudooyinkii dambe dagaalyahano ka tirsan Xarakada Al-shabaab ayaa weeraro ku qaadayay Gudaha Magaaladda Boosaaso ee Gobolka bari.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here