Ciidamada amaanka maamulka Puntland ayaa gacanta ku dhigay Doon laga leeyahay dalka Iiraan oo la sheegay inay si sharci daro ah u kalluumeysanaysay xeebaha Puntland.
Ciidamada illaalada Xeebaha Puntland ayaa dhaawacay mid kamid ah shaqaalaha doonta saarnaa iyadoo gacanta lagu hayo kabtankii waday doonta.
Doonta ayaa maalmo ka hor lagu arkay gudaha Badda deegaanada Puntland.
Korneel Maxamed Cabdi Xaashi oo ah Taliyaha Ciidamada Dekedda Boosaaso ayaa sheegay Ciidamada ammaanka in ay gacanta ku dhigeen Doontan oo laga leeyahay dalka Iiraan, iyadoo ay saarnaayeen 18 qof, intii uu howlgalkan socdayna lagu dilay mid ka mid ah raggii Doonta la socday, halka mid kalena uu dhaawacmay.




