Madaxweynaha Maamulka Puntland Cabdiwali Maxamed Cali Gaas iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray magaalada Kismaayo, halkaasoo uu ka furmi doono shirka Madaxda maamul goboleedyada dalka.
Madaxweyne Gaas oo ka ambabaxay Garoonka Diyaaradaha Magaalada Boosaaso, ayaa waxaa si wayn Garoonka Kismaayo ugu soo dhaweeyay Madaxda Maamulka Jubbaland.
Madaxweynaha Jubbaland, Madaxweynaha Koofur Galbeed, Mas’uuliyiin ka tirsan Jubbaland xubno ka tirsan Baarlamaanka Federaalka iyo dadweyne ayaa ku soo dhoweeyay garoonka.
Shirka Maamul goboleedyada uga furmaya Kismaayo ayaa looga hadli doonaa arrimaha khilaafka dowladda dhexe iyo maamul goboleedyada, qodobo ka mid ah dastuurka oo la isku haayo iyo arrimo kale.
Madaxda Maamul Goboledyada dalka ka jira, ayaa lagu wadaa in Shir uu kaga furmo Magaalada Kismaayo, iyadoo Dowladda dhexe ee Soomaaliya shirkaasi ay ka qabto dareen.



