Wararka ka imaanaya magaalada Jowhar ee xarunta Maamul goboleedka Hirshabelle ayaa sheegaya in labo xildhibaan oo ka mid ah xildhibaanada Hirshabelle oo saarnaa gaari nooca raaxada ah uu rasaas ku furay askari ka tirsan ciidamada milatariga bartamaha magaalada Jowhar.
Labada xildhibaan ee la rasaaseeyay ayaa la sheegaya in Mid kamid ah inuu soo gaaray dhawac fudud halka mid ka kalana uu ka bad baaday rasaasta uu gaariga ay saarnayeen ku furay Askariga militariga.
Xildhibaan Faarax Maxamed Cismaan”Gacaney” ayaa ah xildhibaanka uu dhaawaca soo garay, halka xildhibaanka kale Maxamed Yuusuf Colow aysan waxba ka soo gaarin rasaasta lagu furay gaariga.
Askariga Militariga ee rasaasta ku furay gaariga ay saarnaayeen xildhibaanada ayaa Ciidamada Amaanka Jowhar oo gacanta ku dhigay waxa ay ku xereen saldhiga booliska magaaladaasi.
Xiriiro ay la sameysay Idaacada Simba ee Magaalada Muqdisho Maamulka Magaalada Jowhar ayaa ka gaabsaday iney Faa faahino ka bixiyaan Weerarka lagu qaaday laba Xildhibaan ee Maamulka Hirshabelle.

