Qarax Miino oo dhulka lagu aasay ayaa Goordhaweyd waxa uu ka dhacay deegaanka Xaawa Cabdi ee Duleedka Magaaladda Muqdisho ee Caasimadda Soomaliya.
Qaraxa ayaa lala eegtay Kolonyo ka tirsan Ciidamada Midowga Afrika AMISOM oo halkaas marayay sida goob-jogayaal ay u sheegeen warbaahinta.
Waxaa la xaxaqiijiyay in qaraxa uu saameeyay mid kamid ah Gawaarida Ciidamada AMISOM.
Qaraxa kadib Ciidamada AMISOM ayaa furey rasaas badan oo ilaa haatan aan la ogeyn qasaaraha ay geysatay.
Waa qaraxii labaad ee Ciidamada AMISOM lagu eegto duleedka magaaladda muqdisho Todobaadkaan gudahiisa.

