Al-shabaab oo Qof Rayid ahaa Ku Gowracay Duleedka Degmada Waajid

0

Wararka ka imaanaya Gobolka Bakool ayaa ku waramaya in dagaalyahanada Xarakada Al-shaabab ay ku gowraceen qof rayid ahaa deegaanka Celemow oo qiyaastii 22-KM u jira degmada Waajid.

Ninka Al-shabaab ay Gowraceen  ayaa la oran jirey Xasan Cali Maad Caalin, oo kamid ahaa dadka deegaankaas, waxaana uu kamid ahaa afar nin oo waday gaari dameero raashiin saaran yahay oo ku sii jeeday degmada Waajid.

Sidoo kale waxaa la xaqiijiyay in baxsadeen 3-nin oo kale oo la socday Ninka la Gowracay

Guddoomiye ku xigeenka maamulka degmada Waajid, Caddow C/raxmaan Jugle, ayaa sheegay in ninka la gowracay iyo kuwa kale ee la socday lagu beegsaday oo kali ah in ay raashiinka ay u wadeen Degmada  Waajid maadaama Al-shabaab ay go’doomiyeen.

Sidoo kale waxa uu sheegay in sadexdii nin ee Al-shabaab ka soo baxsatay ay gaareen degmada Waajid ee Gobolka Bakool

Mudooyinkii dambe waxaa jirey dhibaatooyin ay la kulmayeen dadka u safra Degmada Waajid ee Gobolka bakool oo muddo sanado ah u go’doonsan dagaalyahanada Xarakada Al-shabaab.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here