Faah-faahin:-Qarax Ka Dhacay Degmada Qoryooley

0

Wararka ka imaanaya Degmada Qoryooley ee Gobolka Shabeelaha Hoose ayaa ku waramaya in Qarax Miino oo dhulka lagu aasay in lala eegtay kolonyo ka Tirsan Ciidamada Midowga Afrika AMISOM.

Ciidamadan Qarax lala Eegtay ayaa waxaa ay ka soo baxeen Degmada Qoryoolay,iyagoona markaas ku sii wajahnaa dhanka Magaalada Baraawe ee Gobalka Shabeelaha Hoose.

Dadka deegaaanka oo la hadlayay warbaahinta ayaa sheegay in Qaraxa lala helay kolonyada ka tirsan Ciidamada AMISOM ee xiligaas u sii safrayay magaalada Baraawe.

Ilaa iyo hada lama Oga khasaaraha Rasmiga ah ee soo gaaray Kolonyada ka Tirsan Ciidanka AMISOM ee Qaraxa lala Beegsaday.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here