Dowladda Mareykanka ayaa lacago dul dhigtay Madaxa Hogaamiye Sare oo ka Tirsan dagaalyahanada Xarakada Al-shabaab.
FBI-da Mareykanka war ay soo saartay ayaa lagu sheegay in Malaayiin Lacag ah Madaxiisa la dul dhigay Hogaamiye sare oo ka tirsan Xarakada Al-shabaab kaasi oo ah kuwa Ajaanibta ee ka yimaaday dalalka shisheeye.
Hogaamiyahaan ayaa Magaciisa lagu sheegay Jihaad Mustafa,waxaana Al-shabaab dhexdooda looga yaqaanaa Anwar Al-ameeriki.
Sidoo kale FBI Mareykanka ayaa sheegtay , in Madaxiisa la dul dhigay Lacag dhan 5 Milyan oo Dollarka Mareykanka ah.
Anwar Al-ameeriki oo ah 35 Jir ayaa la sheegay inuu yahay Hogaamiyaha Ajaanibta la joogta Al-shabaab,waxaana FBI Mareykanka ay sheegeen inuu badali doono Hogaamiyaha guud ee Al-qaacida.

