Maamulada Puntland, Koonfur Galbeed, iyo jubba-land ayaa joojiyey ka qayb galka shir looga hadlayo dastuurka Soomaaliya oo maalinta bari ah ka furmaya Magaaladda Muqdisho.
Shirkaan waxaa shalay shaaciyay wasiirka Dastuurka Xukuumadda federaalka Soomaliya Cabdi Xoosh Jirbriil oo sheegay in uu yahay shir Muhiim ah.
In kastoo oo aysan maamuladu si cad u shaacin sababta ay uga baaqdeen ka qayb galka shirkaasi waxaa muuqata saamaynta khilaafka siyaasadeed uu ku yeeshay wada shaqaynta Dowlada Federalka ah ee Soomaliya iyo dowladaha xubnaha ka ah.
Sidooa kale, Wazaaradda Dastuurka Dowlad goboleedka Hirshabelle ayaa ka baaqsatay ka qeyb galka shirka arrimaha Dastuurka ee maalinta axada ka dhici lahaa Magaalada muqdisho sida uu xaqiijiyay wasiirka Dastuurka Dowlad goboleedka Hirshabelle.
Warar soo baxaya ayaa sheegaya in Dowladda federaalka Soomaliya ay doonayso in la baajiyo shirka ka dhacaya Magaaladda Kismaayo ee caasimadda KMG ah ee maamulka Jubba-land.

