Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Federaalka ee Xukuumadda Soomaaliya Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Xuseen Odawaa ayaa ugu baaqay shacabka Gobolada Hiiraan iyo shabeelaha dhexe In ay kala qeyb qaataan dhismaha Maamulka Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe.
Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Xuseen Odawaa oo ku sugan magaalada Beledweyne ee Gobolka Hiiraan ayaa sheegay in dowlada soomaliya ay dhankeeda diyaar u tahay dhisida Maamulka Hiiraan iyo shabeelaha dhexe sidoo kalana loogu baahan yahay odoyaasha, waxgaradka . iyo shacabka gobolada hiiraan iyo shabeelaha dhexe in ay kala qeyb qaataan in la dhiso Maamulka Hiiraan iyo Shabeelaha dhexe,
Hadalka wasiirka arimaha Gudaha xukuumadda Soomaliya Cabdiraxmaan Maxamed Xuseen Odawaa ayaa imaanaya xili qilaaf uu wali ka jiro shirka Maamul u sameynta Hiiraan iyo shabeelaha Dhexe.

