Madaxweyne Shariif Xasan oo Gaaray Kismaayo iyo Mas.uuliyiin kale oo ku Wajahan

0

Madaxweynaha Maamulka koofur Galbeed Shariif xasan sheikh aadan iyo wafdi uu Hogaaminaayo aya maanta gaaray magaalada kismaayo ee xarunta Maamulka Jubaland,waxaana garoonka diyaaradaha een magaalada kismaayo si weyn ugu soo dhaweeyay madaxweyne axmed madoobe iyo qaar kamid ah Golahiisa wasiirada.

Madaxweynaha iyo wafdigiisa aya ujeedka ay halkaasi u gaareen waxuu yahay ka kheyb galka Gogasha Wada hadalka ee ay iskugu imaanayaan madaxda maamul gobaleedyada iyo madax dowlada dhaxe ee dalka.

Waxaa sido kale la filayaa in maalin nimada bari ah ay halkaasi gaaraan madaxda maamulada purtland galmudug iyo hirshabeele oo qeybka ah wadahadalka halka la rajeynayo in masuuliyiinta dowlada ay iyaguna berri gaaraan kismaayo si ay uga qeyb galaan kulanka.

Gogoshan ayaa waxaa lagu wadaa in lagu xaliyo qilaafaadka mudooyinkan dambe soo kala dhex galay masuuliyiinta ugu sareysa dalka iyo kuwa maamulada Gobaleedyada ,ee k u aadan sida loo wajahayo arimaha dibada .

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here