Kooxo Hubeysan Dilal ka Geystay Gobalka Sh-Dhaxe

0

Wararka naga soo gaaraya Magaalada Jowhar ee Xarunta Gobolka Shabeelaha dhexe ayaa sheegaya in goordhow Kooxo hubaysan ay dad rayid ah ku dileen duleedka dagmadaasi.

Dilkaan ayaa wuxuu ka dhacay inta u dhaxeysa degaanka Garsaale iyo Boorow oo ka tirsan Shabeellaha Dhexe., waxaana la dilay laba ruux oo shacab ah , kadib markii dhawr xabadood ay ku dhufteen dableydii hubaysnaa.

Labadan Marxuum ayaa waxa ay la socdeen Mooto Bajaaj, sida Idaacadda Simba ay u sheegeen xoolo dhaqato halkaasi ku sugneyd, waxaana dadka la dilay loo maleynayaa in ay ahaayeen Beeraley.

Raggii hubaysnaa ee dilka gaystay ayaa isaga baxsaday goobtaasi kadib markii dhawr xabadood ay ku dhufteen labada ruux ee Moota-bajaajta Saarnaa.
Wali wax war ah kama soo bixin maamulka Gobalka Shabeelada Dhaxe oo ku aadan dilka loo geystay laba ruux, Xiriiro aynu la sameynay kama Jawaabin Taleefanadooda Mas.uuliyiinta Gobalkaasi.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here