Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho Thaabit Cabdi Maxamed ayaa si rasmi ah u shaaciye in maalinta Khamiis ilaa Jimcada oo ay taariikhdu ku beegan tahay 12 – 13 October lasoo bandhigi doono Barnaamijka uu fuliyey Maamulka ee loogu magac dara (Made in Xamar) oo loola jeedo (Waxaa lagu sameeyey Xamar).
Barnaaminjkaan oo ujeedkiisu ahaa in dadka farsamayaqaanada (Farshaxinistayaasha) ah lagu dhiira geliyo shaqadooda ayaa waxaa lagu soo bandhigi doonaa waxyaabo kala duwan oo ay sameeyeen qaar kamid ah dadka ku nool Muqdisho.
Guddoomiyaha ayaa bartiisa Facebook soo dhigay qoraal uu ku sheegay in barnaamijkaas uu maamulka Gobolka Banaadir qabtay isla markaasna dhawaan lasoo bandhigi doono
daawo sawirada qaar kamid ah waxyaabaha lasoo bandhigi doono





