Booliska Magaalada Edmonton ee Dalka Canada ayaa sheegay in Nin Hubeysan uu weerar ku qaaday Gabar Soomaali ah oo ku nool Magaaladaasi.
Nuurto C/raxmaan oo ah gabar Soomali ah ayaa weerar ka badbaaday kadib markii nin cadaan uu weerar ku qaaday sida booliska ay sheegeen.
Gabadha Soomaalida ah ee lagu Weeraray Magaalada Edmonton ee dalka Canada ayaa la sheegay in ay Gaari ka xayneysay islamarkaana uu Aflagaadeeyay Ninka Caddaanka ah.
Booliska Edmonton ayaa sheegay in Cabdullahi Xasan Shariif oo 30 Jir ah uu Gaari dardarsiiyay koox dad ah islamarkaana shan qof dhaawac u geystay,waxaana Cabsi ay soo food saartay Soomaalida ku nool Magaalada Edmonton ee dalka Canada.

