Makamadda sare ee Maamulka Galmudug ayaa go’aan kama dambeys ah kasoo saartay murankii ka dhaxeeyay madaxda sare ee maamulkaasi.
Qoraal kasoo baxay maxkamadda ayaa lagu ayiday go’aannadii ay gaareen xildhibaannada baarlamaanka maamulkaasi ee xilalka looga kala qaaday madaxda sare ee Galmudug.
Waxay maxkamaddu sheegtay in madaxweyne Axmed Ducaale Geelle (Xaaf), ku xigeenkiisii, guddoomiyaha baarlamaanka Galmudug iyo ku xigeenkiisa Koowaad xilalka looga qaaday si sharci ah.



