Farmaajo:-“Xukuumadda Waxay Mas’uul Ka Tahay Amniga, Siyaasada”,

0

Madaxweynaha Soomaliya Maxamed C/laahi Maxamed (Farmaajo), ayaa sheegay in Xukuumadda Soomaliya ay mas’uul ka tahay arrimaha ammaanka, siyaasada iyo dhaqaalaha, isagoo xusay in wixii ka xumaada uu kula xisaabtami doono.

Farmaajo oo ka hadlaayay Munaasabadii uu shalay ku saxiixay Sharciga Isgaarsiinta ayaa Madaxweynaha waxaa uu soo hadal qaaday xaalada dalka iyo waxyaabihii adkaa ee la soo maray, inkastoo aanu dul istaagin, hadana waxaa uu xusay inay cashar ka baranayaan.

“Xukuumadda waxay mas’uul ka tahay, Amniga, Siyaasada iyo dhaqaalaha, sida u magacaabay muddo hada laga joogo Lix 6 biilod iyo labo cisho, sida loo ansixiyay oo howshooda u bilaabeen ayaga shaqeeya ayagaa is ka leh, hadey ammaan tahay, korka ka eegaa, hadey xumaan tahayna waa kula xisaabtamaa”ayuu yiri Madaxweyne Framaajo oo u muuqday inuu isa bari-yeelayay mas’uuliyada dhacdooyinka qaar ee dalka ka dhacay.

Madaxweyne Farmaajo ayaa sheegay in loo baahan yahay in waxyaabaha qaar in la maareeyo, isagoo qiray inay dhibaatooyin kala duwan soo mareen.

“Dowladda ayaa laga rabaa inay maareeyso, lixdii bilood aan jirnay wax waa soo marnay, waxaa aaminsanahay sideedaba qofka markuu socod baranayo, heerar kala duwan ayuu soo maray, inuu dhibka noo soo hormaro laftirkeeda waa faa’ido waa ku ad-adkaaneynaa”ayuu yiri Madaxweyne Farmaajo.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here